Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo 2,500 Askari ku wareejisay Dowladda Federaalka iyo Ciidamadaan oo…

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Munaasibad Maanta ka dhacday Xerada 54aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed kuna taalla duleedka Magaalada Garowe ayaa maamulka Puntland waxaa uu 2,500 oo Askari kula wareejiyay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Munaasibadda wareejinta Askartan waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka Puntland,Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Dowladda Soomaaliya,Wasiirka amniga puntland,Taliya Ciidanka Puntland iyo guddiga difaaca Golaha shacabka Soomaaliya.

Ciidankan waxaa ay ka mid noqon doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya qeybta 54aad,waxaana arrintan ay qeyb ka tahay qorshaha isku dhafka Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka socda Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaqeeyay tallaabadan,waxaana ay ku baaqeen in sidan oo kale maamullada dalka ay uga qeybqaataan dhismaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Howlgalka AMISOM ayaa dhawaan shaaciyay in Bisha soo socota ee December ay Soomaaliya ka bixi doonaan 1,000 Askari oo ka mid ah Ciidankooda kaddibna ay tartiib tartiib u billaabaneyso bixitaan AMISOM ilaa Sanadka 2020ka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this