Sign in to follow this  
Deeq A.

Waxyaabaha looga wadahadlay kulankii dhex maray Roobow iyo Saraakiisha Dowladda oo la ogaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur (Caasimadda Online) – Sheekh Mukhtaar Roobow Cali “Abuu Mansuur” oo shalay gaaray Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada milateriga dowladda ee Gobolkaasi.

Waxaana ay ka wada hadleen qorshaha dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Gobolka Bakool.

Korneyl Cabdiraxmaan Tima Cadde oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee Gobolkaasi ayaa faah faahin ka bixiyay waxyaabaha looga hadlay  kulankaasi, wuxuuna wareysi siiyey Idaacadda Shabeele ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana uu xusay in ay ka arrinsadeen sidii Al Shabaab looga saari deegaanada Gobolkaasi Bakool

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysigaas

http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/cod-bakool.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this