Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Bam-gacmeed ah oo lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Puntland Post] Bam gacmeed ayaa lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Puntland oo marayay Waddo mashquul badan oo ku taala wadad Netko ee Magaalada Bosaso.

Wararka Puntland Post uu helayo ayaa sheegaya in bam-gacmeedka lagu tuuray Askar sarneed gaariga Ciidamada , kuwaas oo marayay mid ka mid ah Waddooyinka ugu mashquulka badan ee Boosaaso.

Waxa jira dhaawac inkasta oo anaa la hubin tirada ku dhaawacantay qaraxaasi waxaana isla markiba magaalada laga maqlay rasaas goos goos ah oo ay rideen Ciidamadii halkaasi ku sugnaa.

Goobta ay wax ka dhaceen ayaa waxaa gaaray Ciidamada Puntland, kuwaas oo ka wada baaritaano, isla markaana samaynaya hawlgalo.

Qaraxa ayaa kuso beegmay xilli uu jiro khilaaf u dhexeeya Ganacsatada iyo dawlada, walina uu hakad ku jiro maalintii 2-aad ganacsiga magaalada.

Wxii soo kordha la soco Puntland Post  insha allah 

Cabdiqani Boos 

Puntland Post

The post Qarax Bam-gacmeed ah oo lagu tuuray Ciidamo ka tirsan Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this