Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo wada qorsho aysan horay ugu fekerin oo looga hortagaayo Al-Shabaab (Muxuu yahay)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa wada qorsho looga hortagaayo weerar uga imaada dhanka maleeshiyaadka al-Shabaab ee dhawaan gudaha u galay Kenya.

Saraakiisha Hay’adaha amaanka oo la faray inay ka hortagaan dhibaatooyinka ay geysan karaan maleeshiyaadka ayaa bilaabay inay isticmaalan maleeshiyaadka isku dhiibay iyo kuwa lagu qabtay howlgalada ee ku jira Xabsiyada Kenya.

Maleeshiyaadkan baxsadka ka ah al-Shabaab ayaa laga howlgalin doonaa dhammaan deegaanada ay ku dhuumaaleystaan maleeshiyaadka iyadoo uu qorshuhu yahay inay ka hortagaan dhibaatooyinka ay damacsan yihiin al-shabaabka.

Afhayeenka Ciidamada Kenya ayaa sheegay in fashilinta weerarada al-Shabaab ay u adeegsan doonaan dagaalyahaanada iyaga ka tirsanaa oo aqoonta fiican u leh Shabaabka.

Waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadkaasi ay sidoo kale ka howlgali doonaan goobaha laga cabsida qabo inay ka dhacaan weerarada sida Xarumaha dowlada, Bankiyada iyo Jaamacadaha.

Xabsiyada Kenya ayaa waxaa ku jira maleeshiyaad aad u farabadan oo qaarkood isku dhiibay dowlada, halka qaarna lagu qabtay howlgalo kuwaa oo lagu raadin doono al-Shabaabka.

Si kastaba ha ahaatee, magaalooyinka waaweyn ee Kenya ayaa waxaa ka jira cabsi wey oo sababtay in ciidamo hor leh lagu daadiyo waddooyinka qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this