Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa AMISOM Oo Howlgallo Ka Sameeyay Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa howlgal ballaaran waxay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaanno kamid ah gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo ka ambabaxay magaalada B/weyne ayaa howlgalkaan waxay ka sameeyeen deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka B/weyne iyo Matabaan, halkaasi oo maalmahan dambe lagu arkayey sida la sheegay rag kamid ah Al-shabaab.

Gaashaanle dhexe Maxamuud Xasan Baakaay oo kamid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kamid ah saraakiisha horkacaysay holwgalladan ayaa sheegay in ulajeedkoodu ahaa sidii ay deegaannadaasi uga sifeyn lahaayeen Al-shabaab.

Wuxuu tilmaamay gaashaanlaha in dadka ku dhaqan deegaannadaasi ay sheegeen oo kaliya in Al-shabaab ay deegaannadan soo galeen, sidaasi darteedna ay iyaguna deegaanno badan howlgal ku mareen.

Gaashaanlaha ayaa sheegay ineysan arag cid ka tirsan Al-shabaab, balse ay kusii socdaan deegaanno kale.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoojiyey howlgallada ka dhanka ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this