Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog-warran: Dowlada Somalia oo aad uga u jiifta laba arrin

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isa soo taraaya caqabadaha ku hor gudboon dowlada Federaalka ah ee Somalia, tan iyo wixii ka danbeeyay Qaraxii ka dhacay Isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Caqabadaha ugu badan ee heysta dowlada Federaalka ayaa ah kuwo ku xeeran arrimo amni, inkastoo dowlada lagu eedeeyo inaysan culeyska saarin amaanka iyo xasiloonida.

Dadka magaalada Muqdisho oo marti galiyay musiibadii ugu weyneyd abid ee ka dhacda dalka oo aan ula jeedno Qaraxii Zoobe ayaa dowlada ku dhaliilay inay ka jiifatay labo arrin oo kala ah:

1-Amniga oo aan lasiin ahmiyada koowaad, waxaana xusid mudan in dal aan amni laheyn uusan dal aheyn.

2-Garsoorka dalka oo ku sifoobay la jiifshaa banaan la joojiyaa banaan, waxaana xarumaha Garsoorka ka jira dhacdooyin aan maqalka u rooneyn.

Amniga iyo Garsoorka oo ay wadamada horumaray ahmiyad gaara siiyaan ayaa waxaa Somalia laga geeyay halka ugu hooseysa, iyadoo kaalmaha koowaad ay ku jiraan Cadaaladaro iyo Xadgubyo lagu sameeyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Sidoo kale, dadka magaalada Muqdisho ayaa u gacan haatinaaya Amni iyo Garsoor, walow Dowlada Federaalka ah ee Somalia aysan u muuqan mid il gaara xiligaani ku eegeysa labadaasi qodob walow ay faragalin ku hayaan reer galbeedka.

Si kastaba ha ahaatee, guusha dowlad hormarta ayaa la rumeysan yahay inay tahay mid ku imaada kashaqeynta Amni iyo Garsoor caadil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this