Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarado dagaal oo duqeeyay Saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin Gobolka Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in diyaarad nooceedu uu yahay Drones ay duqeysay deegaanka Toorotoorow.

Duqeynta oo dhacday galinkii danbe ee maanta ayaa lala eegtay Saldhig ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Toorotooroow.

Duqeyntan oo laga maqlay deegaano ka tirsan Gobolka Shabelaha Hoose ayaan la ogeyn qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in duqeyntan loo geystay gawaari ay saarnaayen Saraakiil ka tirsan Alshabaab oo xiligaa booqasho ku joogay Saldhiga.

Al-shabaab oo ka baxay inta badan magaalooyinka waaweyn oo ay hore u haysteen ayaa waxaa ay weli ku sugan yihiin tuulooyin ku yaala deegaano ka tirsan Gobolka Sh/hoose iyo degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Jubbada Dhexe.

Dhinaca kale, duqeyntan ayaa ku soo beegmaysa xili ay dowlada Maraykanka kordhisay weerarada cirka ah ee ay ka fulinayaan gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this