Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ku Dagaallamay Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee maanta ku dagaallamay deegaanno hoostaga degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa la sheegay iney jidka u galeen gadiid dagaal oo ay la socdeen ciidanka dowladda, kuwaasi oo ka ambabaxay degmada Buurhakaba kuna wajahna magaalada Baydhabo.

Waxa jiro khasaare soo kalagaaray Labada dhinac, balse illa iyo hadda lama oga inta uu la egyahay.

Dhinacyadii dagaallamay weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan iyo khasaaraha ka dhashay.

Al-shabaab ayaa marar badan sidan oo kale waxay dagaallo gaadmo ah ugu qaadeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this