Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah Faahin: Mid Kamid Ah Wasiirada Cusub Ee Hirshabelle Oo Is Casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiru dowlaha wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta ee maamulka Hirshabelle Ismaaciil Maxamed Culusow oo kamid ahaa xubnihii uu maanta magacaabay madaxweyne Waare ayaa is casilay.

Ismaaciil oo saxaafadda kula hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay in uu xilkaasi iska casilay kadib markii uu sheegay inaan wax la tashi ah lagala sameyn.

Waxa uu sheegay in shaqsi ahaan aanu ku qanacsaneyn xilkaasi, islamarkaana la magacaabay iyadoo aan wax la tashi ah lagala sameyn.

Waa wasiirkii ugu horreeyay ee is casilay Saddex saacadood gudahood, kadib markii madaxweyne Waare uu magacaabay 57 wasiir maanta oo Arbaco ah.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this