Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Nin xasuuq ba’an ka geystay Bosnia oo Maxkamadda adduunka ku dhex cabay Sun

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ninkan oo lagu magacaabo Slobodan Praljak ayaa ka mid ahaa 6 Hogaamiyeyaal Militari oo maxkamada adduunka ay ku furtay kiisas xasuuq iyo faldanbiyeedyo bareer ah.

Slobodan Praljak, ayaa ku eedeysnaa in dambiyo dagaal uu ka geystay Bosnia, ayaa markii danbe lagu xakumay 20 sano oo xarig ah sanadu markay aheyd 2013.

Danbiyada xasuuqa ee lagu soo oogay Mr Slobodan Praljak ayaa intooda badan ka dhacay magaalada Mostar.

Slobodan Praljak, ay socotay dhagaysiga rafcaan uu ka qaatay xukunkaas ayaa si cad Maxkamada Hague ugu dhex cabay sun.

Slobodan Praljak, ayaa sunta cabay kadib markii uu maqlay in maxkamada ay diiday rafcaankiisa waxa uuna isla goobta ku cabay sun, ka hor inta aan loo yeerin gaadiidka qafilan ee qaadi lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this