Sign in to follow this  
Deeq A.

PUNSAA oo War ka soo saartay kulan ay la qaadatay Ganacsatada Puntland ee Cabashada ka qaba Dekada Bosaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Dallada Bulshada rayid Puntland ee PUNSAA ayaa maanta Wa-murtiyeed ka soo saartay kulan ay la qaateen Guddiga Ganacsatada Puntland oo Garowe u yimid in ay daneeyayaasha Puntland la wadaagaan Cabashada ay ka qabaan Dekada Boosaaso.

War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Guddiga Ganacsatadu ay Madaxda PUNSAA uga warbixiyeen xaalada Guud ee Dekadda Bossaso ee lagu wareejiyey Shirkada P&0 Port oo qayb ka ah Shirkada DP World Tariikhdu markay ahayd 28 Oct 2017.

Sidoo kale War-murtiyeedka ayaa lagu sheegay in Guddiga Ganacsatadu ay ka cowdeen in aan lala wadaagin  heshiiska Dowlada Puntland ay la gashay Shirkada DP World  si  ay ugu diyaar garoobaan Saamaynta uu heshiiskaas la yimaado iyo in aan lagala tashan qaabka iyo goorta la wareejinayo Dekadda, oo loo sheegay  oo kaliya in shirkadu ay dakada la wareegi doonto labo sano kadib marka ay dhamayso balaarinta dakadda, isla markaasna aan la siyaadinayn khidmadaha la qaado ilaa la balaariyo, korna loo qaado adeegyada ay dakaddu bixiso.

Dhanka kale PUNSAA ayaa ku baaqday in laga fogaado wax kasta oo ragaadinaya dhaqaalaha, keeni karana Sicir barar saameeya Bulshada Puntland iyo in Dowladdu ay u diyaar garawdo Wada hadal dhexmara Bulshada rayid ka ah oo Ganacsatadu ka mid tahay iyo Dowlada Puntland si la isugu soo dhawaado, loogana wada hadlo caqabadaha soo kordhay.

Hoos ka akhriso War-murtiyeedka oo dhameystiran

war-murtiyeed-ku-saabsan-Guddiga-Ganacsa

war-murtiyeed-ku-saabsan-Guddiga-Ganacsa

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

PUNTLAND POST

The post PUNSAA oo War ka soo saartay kulan ay la qaadatay Ganacsatada Puntland ee Cabashada ka qaba Dekada Bosaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this