Sign in to follow this  
Deeq A.

Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland oo garab istaagay Dhalinyarada isxilqamayaasha Qardho.

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland Aweys Axmed Sardheereye oo maalmahan socdaal shoqo ku marayay Gobalada Puntland ayaa maanta Dhalinyarada Isxilqaamayaasha “Hormuud baan nahay” ee Degmada Qardho kala qayb qaatey Ol’ole nadaafeed oo isku jiray Qashin uruurin,Gubis iyo xaaqida wadooyinka .

Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland Mudane Sardheeye ayaa dhalinyarada isxilqaamayaasha u balan-qaaday in uu sii labo jibaaridoono taageerada uu maalin iyo habeen’ba u la garab taaganahay,isagoona ku booriyay in  si wada jir ah lo wada shaqeeyo

sidoo kale,Gudoomiyaha Dhalinyarada ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatey Bahda Ciyaaraha iyo Saxaafada oo labaduba u badan Dad dhalinyara ah,waxaana uu kala hadlay sidii ay qayb uga ahaan lahaayen isbadalada hormarineed ee dalka ka socda. ” Anigu waxaan ahaan jiray Ciyaaryahay si fiican ayaan u aqaana baahidiina,Saxaafaduna waa IndhihiI Bulshada inaan idintaageero Xaq ayaad u leedin”,ayuu yiri Gudoomiye Aweys

Dhinaca kale,Gudoomiyaha dhalinyarada Puntland ayaa kulmy Dhalinyaro Aqooyahan ah,kuwaaso doonay in sanadka 2019 ka qayb galaan sidaasada Puntland,waxaana intooda badan ay baadi-goob ugu jiraan ku so bixida Xubnaha Baarlmaanka Puntland.

Ugu Danabayntii,Gudoomiyaha Dhalinyarada Puntland Mudane Sardheeye ayaa kulamo la qaatey Maamulka Degmada Qardho,Kan Gobalka iyo Hogaanka dhalinyarada Gobalka Karkaar,waxaana ay isku afgarteen in la taageero Dhalinyarada isxilqaamayaasha ah,kuwa ciyaaraha iyo Saxaafada oo ku tilmaamay inay yihiin iftiin u so baxay Ummadda Soomaliyeed.

IMG_1532.jpg

IMG_1535.jpg
IMG_1480.jpg IMG_1482.jpg IMG_1521.jpg aways.jpg

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this