Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya iyo kuwa Cadaan ah oo Shabaab kala wareegay Deegaano cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Walnlaweyn (Caasimadda Online) – Ciidamada xoogga dalka ayaa saaka weerar qorsheysan waxay kula wareegeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Walnlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose, sida Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA uu u Xaqiijiyay Taliyaha qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xoogga dalka Jeneraal Cumar Aadan Xasan.

Taliyaha ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa mid qorsheysan, iyadoo qaar ka mid ah Maleeshiyada Al shabaab ee halkaasi ku sugnaa ay carareen ka dib khasaaro xoog leh oo la gaarsiiyay, waxaana ciidamada si weyn u soo dhaweeyay shacabka ku nool deegaankaasi oo sheegay in dhibaato ay ku hayeen nabad diidka Al shabaab, isagoo dhanka kale sheegay in howlgalka uu socdo lagana yaabo in Tiro ka mid Argagaxisada Al shabaab gacanta lagu dhigo

“Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka waxay hawlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Baladul Amiin oo hoostaga Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose khasaaro xoogan ayaa la gaarsiiyay cadowga umadda Soomaaliyeed ee Al shabaab, deegaanka waxaa ku sugan Ciidamada Qaranka, hada kuma sheegi karo Tirada Al shabaab ee la qabtay maadaama howlgalka goordhow lasoo afjaray, Goordhow ayaan idin soo gudbin doonaa Tirada nabad diidka gacanta looga dhigay iyo guud ahaan khasaaraha la gaarsiiyay”ayuu yiri Jeneraal Cumar Aadan Xasan

Taliyaha ayaa amaanay doorka shacabka ay ku leeyihiin Howlgalada Al shabaab lagu ciribtirayo, isagoo xusay inay u soo gudbinayaan xogta cadowga oo meel kasta oo lagu weeraro ka cararaya laakiin xogta shacabka ayaa sahleysa in goobaha ay u cararaan lagu burburiyo, waxaana Taliyaha uu balanqaaday inta Hal Cadow oo Al shabaab ah Soomaaliya ku sugan yahay uusan joogsan doonin Dagaalka Cirka iyo Dhulka oo ciidamada xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamka iska kaashanayaan.

Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda  Amniga Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Cabduqaadir C/raxmaan Cali oo Wreysi siiyay Radio Dalsan Xatunta Muqdisho ayaa sheegay in howlgalkaas uu si fcn u dhacay.

 Sidoo kale wxa uu sheegay in weli howlgalku uu socdo Ciidamada dowladdana ay Gacanta ku hayaan deegaankaas isla markaana waxyaabihii ku soo kordha ay Warbaahinta la wadaagi doonaan.

Wararka ay heleyso Guuxa ayaa waxa ay sheegayaan in howlgalkaas ay siwadajir ah ay u fuliyeen Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Cadaan ah.

http://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2017/11/Cod-Kofurgalbeed-.mp3

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this