Sign in to follow this  
Deeq A.

Ganacsiga Boosaaso Oo Maanta Xiran iyo Ciidamo badan oo magaalada gaaf wareegaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Bosaso-[Punt;and Post]-Xarumaha Ganacsi ee magaalada Boosaaso ayaa guud ahaan maanta xiran, xilli wali aysan isfaham gaarin Ganacsatada iyo dawlada, waxaana magaalada ay maanta ku jirtaa jawi ka badalan midkii Ganacsi ee maalmihii tagay ay ku jirtay.

Shirkadaha waawayn iyo xarumaha ganacsi ee yar yar ayaa xiran, waxaana arrintan ay daba socotaa cabasho muddooyinkii ugu dambeeyay kaso baxaysay ganacsatada, taasi oo ku aadanayd Khidmadaha Canshuur ee dawladu ay soo rogtay.

In badan oo kamid ah magaalada waxaa lagu arkayaa ciidamo gaaf wareegaya, gaar ahaan dariiqyada muhimka ah si ay uga hortagaan in mudaharadyo in ay dhacaan .

Dhinac kale Doonyihii iyo maraakiibtii ku xirnaa dekadda Bosaso ayaa ka shiraacdey halkaas waxaana ay baroosinka dhigteen meel aan ka fogeyn dekadda Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari .

Wixii ka dambeeyay markii shirkadda P&O PORT ay la wareegtay maamulka Dekeda Boosaaso, ayaa waxaa soo ifbxay cabasho xoog leh oo u dhaxaysa Ganacsatada iyo dawlada, waxaana ugu wayn arrinta la isku khilaafsan yahay Khidmadaha Canshuur ee la qaadayo.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso

 

The post Ganacsiga Boosaaso Oo Maanta Xiran iyo Ciidamo badan oo magaalada gaaf wareegaya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this