Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Diyaarad siday Muqtaar Rooboow oo gaartay Degmada Xudur iyo faahfaahin ku saabsan

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur (Caasiamadda Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegaya in uu goordhow gaaray Wadaadka Sheekh Muqtaar rooboow Cali abuu Mansuur oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab balse sheegay in uu ka baxay.

Ammaanka Garoonka Diyaaradaha Magaalada Xudur, ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana ammaanka sugaayay ciidamada dowladda oo si wayn u feejignaa.

Muqtaar Rooboow ayaa waayadan ku sugnaa Muqdisho,waxaana Safarkiisa ku wehliya Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.

Wefdiga ayaa siweyn loogu soo dhaweeyay degmada Xudur ee Xarunta gobolka Bakool,waxaana weli la ogeyn Safarkaan uu muqtaar rooboow uu halkaasi u tegay oo aan horay loo sii shaacin.

Maamulka gobolka Bakool ayaa kusoo dhaweeyay Magaalada Xudur Sheekh Mukhtaar Roobow.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta uu u tagay gobolka Bakool, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu kulamo la qaadan doono maamulka Koonfur Galbeed.

Roobow ayaa Shabaab wuxuu kula dagaalamay deegaanka Abal ee Gobolka Bakool, ka hor inta uusan soo gaarin Magaalada Muqdisho.

23915980_2071440786419281_60391544271753xudur.jpg?resize=696%2C392

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this