Sign in to follow this  
Deeq A.

Mukhtaar Roobow Oo Gaaray Degmada Xudur Ee Gobolka Bakool

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo 13-kii August isku soo dhiibay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo markii horeba uu kasoo bilowday safarkii uu ku imaanayey magaalada Muqdisho.

Roobow oo ay wehlinayaa xubno uu kamid yahay wasiirkii hore ee difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyay degmada Xudur.

Weli lama sheegin ulajeedka uu u tagay degmada Xudur, hase ahaatee degmadaasi iyo deegaanno ku dhow waxaa ku sugan ciidankii isaga daacadda u ahaa.

Abuu Mansuur ayaa la kulmi doona mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed, waxaana la filayaa inuu faahfaahiyo ulajeedka uu u tagay degmada Xudur.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this