Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ururka Daacish iyo ilaaladiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqeyn ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo ka dhacday gobolka Bari aya a lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan ISIS (Daacish).

Duqeyntan oo ay iska kaashadeen Puntland iyo Mareykanka ayaa ka dhacday deegaanka Boholle oo 70 KM dhanka bari ka xigta degmada Boosaaso.

Wali lama shaacin magaca taliyahan ka tirsanaa Daacish ee duqeynta lagu dilay.

Muddooyinkii dambe waxaa la ballaariyay howl gallada ciidan ee cir iyo dhulba leh ee lagu bartilmaameedsanayo Alshabaab iyo Daacish.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii in ka badan 100 ka tirsan Alshabaab ayaa lagu laayay meel u dhow degmada Diinsoor ee gobolka Baay, ka dib duqeyn diyaaradeed oo lala beegsaday saldhig ay ka soo abaabulayeen weerar ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa sheegaya in Alshabaab iyo saraakiishooda sar sare ay bilaabeen in ay raadsadaan meel ay gabbaad ka dhigtaan, ka dib markii ay joogto noqdeen weerarrada cirka iyo dhulka ee ay ku hayaan dowladda Soomaaliya iyo xulafadeedu.

PUNTLAND POST

The post Duqeyn lagu dilay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa Ururka Daacish iyo ilaaladiisa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this