Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Puntland oo feejignaan sare kaga jirta qatarta amni ee firxadka Alshabab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Puntland ayaa gashay feejignaan oo ka dhan ah qatarta amni ee kaga imaan karta firxadka maleyshiyaadka Alshabaab ee ka baxsanaya duqaymaha Maraykanka uu kula beegsanayo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. iyagoona doonaya inay gabbaad ka helaan buuraleyda Golis.

Sida warsidaha Puntlandi uu xogta ku helayo waxay dowladda Puntland xoojisay ammaanka baraha kantaroolada ee lagasoo galo Puntland, waxaa kale si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Sargaal katirsan hay’addaha amniga oo ka gaabsaday inaan xusno magaciisa ayaa warsidaha Puntlandi u sheegay in dowladda Puntland loosoo gudbiyay xog ku saabsan boqolaal katirsan Shabaab inay iskudayayaan inay gaaraan Galgala,

“Puntland ciidankeeda iyo sirdoonkeedu si aad ah ayuu ula socdaa halista argigixisada. Waxaan idiin xaqiijin karnaa in sirdoonka dowladda federalka soo gudbiyeen farriin amni oo ku saleysan in laga digtoonaado dagaalamayaaal shabaab ah oo iskudayaya inay si shacab ah ku galaan Puntland, kadibna usii gudbaan buuraha Golis.

Dowladda Maraykanka ayaa labo jibaartay duqeymaha ka dhan ah kooxaha argigixisada ah, iyadoo arrintaan ay keentay inay isisoo dhiibaan boqalaal katirsan argigixisada oo adkaysan waayay duqeymaha isdaba jooga ah ee Maraykanka la beegsanayo xarumaha argigixisada ku sugan yihiin.

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this