Sign in to follow this  
Deeq A.

Qadar oo ka digtay arrin Imaaraadka ka sameyn karo Somalia oo halis ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa ka digtay in dowlada Imaaraadka Carabta ay hubeyso maleeshiyaadka al-Shabaab iyo Daacishta ka dagaalanta buuraaleyda Galgala ee Puntland.

Qadar ayaa sheegtay in dowlada Imaaraadka Carabta ay u fara dhuuban tahay dhanka kooxaha qalqal galiya amaanka Somalia ee al-Shabaab iyo Daacish.

General Salah Harrathi, oo kamid ah Madaxda ugu sareysa Hay’adaha amaanka Qadar ayaa sheegay inay jiraan macluumaadyo muujinaaya in Imaaraadka ay Hub iyo Kiimikada laga sameeya Qaraxyada u daadgureyneyso Somalia, si ay u isticmaalan kooxaha arbushaada ku haya amniga.

General Salah Harrathi, waxa uu cadeeyay inuu jiro jiro isku soo dhawaanshi u dhexeysa dowlada Imaaraadka Carabta, al-Shabaab iyo Daacishta Somalia, waxa uuna ka digay in lasii huriyo dhibta ka taagan Somalia.

Sidoo kale, waxa uu Hay’adaha ku shaqada leh la socodka Hubka ugu baaqay inay il gaara ku eegan Maraakiibta iyo Doonyaha dheereeya ee kasoo baqoola dhanka Imaaraadka isla markaana kusii jeeda Somalia.

Ugu danbeyntii, waxa uu Hay’adahaasi kula taliyay inay si gaara ula socdaan Kiimikooyinka laga sameeyo Qaraxyada oo ay suuragal tahay in laga buuxiyo Jawaanada burka iyo badeecooyinka kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this