Sign in to follow this  
Deeq A.

(Dhagayso) Puntland Oo Bandhigtay Farqiga U Dhexeeya Khidmooyinka Dekedaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha, gaadiidka badda Puntland iyo ka hortaga dambiyada ka dhaca Badaha Cabdi Majiid Samatar Jaafaan oo Warbaahinta kula hadlay Dekeda magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in Dekeda Boosaaso ay tahay Dekeda ugu raqiisisan Dekedaha ku yaala dalka Soomaaliya.

Jaafaan, ayaa sheegay in Dekeda Boosaaso ay aaad iga raqiisan tahay Dekedaha Berbera iyo Muqdisho, waxaana uu isbarbar dhigay qiimaha Khidmado ee laga kala qaado Badeecadaha ka daga Dekedahaas.

 Cabdi Majiid Samatar Jaafaan, ayaa sheegay in Raashinka daruuriga ah sida bariiska sonkorta burka iyo wixii lamid ah in dekadda Bosaso looga dejiyo halkii ton (1000kg) khidmad dhan $0.8 halka Berbera ay tahay $3.5, dekadda Muqdisho ay tahay tan ugu qaalisan oo gareysa $16.8, Ganacsatada Muqdisho iyo Berbera ay oggol yihiin in a bixiyaan khidmadaas halka Ganacsatada Bosaaso qaarkood ay diidan yihiin tan Boosaaso oo ay ka doorbideen in ay indhaha isugu qabtaan dekadda.
shaxda.png

Sido kale wuxuu sheegay in Kiraalayaasha Doonyuhu ay isbadal ku sameeyen Doonayaha, waxaana uu soo bandhigay kordhinta ay sameeyen.

 shaxda qiimaha ay kiraalayaashu kordhiyeen
  • CUMMAN:- Gaadiidka ka yimaada waxaa halkii tan lagu daray 5 Dollar waxaana laga dhigay $27 halka uu ka ahaa 22Dollar. (kirada Doonyaha).
  • DUBAI:- Baabuurka yar waxaa lagu daray kirada $100, Baabuurka Dhexe waxaa lagu daray $150. (Kirada Doonyaha)
  • Shidaalka waxaa lagu daray 3 Dollar fuustadii, 1 Kartoon oo kasta waxaa lagu daray 1Dirham. (kirada Doonyaha ).
  • DUBAI:- Halkii Kunteendhar waxaa lagu kordhiyey 700 Dirham. (Kirada Doonyaha).

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dekedaha Puntland, ayaa soo bandhigay shaxda isbarbar dhig ee Badeecadaha Soomaaliya, waxaana Dekeda Boosaaso ay aad uga jaban tahay Dekedaha kale.

Markii ugu horaysay ayaa Puntland, ay soo bandhigtay xaqiiqda ka jirta Dekeda magaalada Boosaaso, taas oo Agaasime Jaafaan uu si xirfadaysan uso bandhigay.

Wuxuu Jaafaan sheegay inay jiraan Ganacsato ka macaashi jiray 30-kii sano ee tagay Dekeda magaalada Boosaaso, kuwaas oo doonaya inaysan Dekedu hormar samayn.

Ugu dambayn wuxuu sheegay inay ka go’an tahay in hormarin iyo balaarin lagu sameeyo Dekeda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Hoos Ka Dhagayso Shirka Jaraa’id Ee Jaafaan:

 

      JAAFAAN

www.puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this