Sign in to follow this  
Deeq A.

Qatar oo mashaariic ka fulinaysa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

SQ.jpg?resize=600%2C450Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta Muqdisho ku kala saxiixday illaa iyo shan heshiis oo kul sal go’an maalgashiga, dib u dhiska iyo fulinta mashaariic horumarineed oo waxtar leh.

Heshiiskan oo dhanka Dowladda Soomaaliya ay u kala saxiixeen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Mr. Mukhtar Mahad Daud, ayaa dhanka Dowladda Qatar waxaa u kala saxiixay Siihayaha Safaaradda Qatar ee Muqdisho Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed, Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari iyo seddex wakiil oo kala matalayay hey’adaha kala ah Hey’adda Samafalka Qatar “Qatar Charity”, Hey’adda Waxbarashada ka shaqeysa ee loogu yeero “Education Above All” iyo hey’adda horumarinta bulshada ee loo yaqaan “Silatech”.

Munaasabadda saxiixidda heshiisyadan oo ka dhacday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Mr. Hassan Ali Khaire, qaar ka mid ah xubnaha golihiisa wasiirada iyo mas’uuliyiin kale.

Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaallaha H.E. Amb. Gamal Mohamed Hassan iyo Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari ayey ku faah faahiyeen heshiisyada labada dhinac ay kala saxiixdeen.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxa uu caddeeyay in mashaariicda Dowladda Qatar ay ka fulin doonto Soomaaliya lagu qiimeeyay lacag dhan 200 milyan oo doolarka Mareykanka ah, isaga oo ammaanay kaalinta muuqata ee Dowladda Qatar iyo hey’adaheeda ay ku yeelanayaan fullinta heshiisyada lagu ballamay in lagu horumariyo Soomaaliya.

Dhankiisa, Agaasimaha guud ee Sanduuqa Qatar ee Horumarinta Mr. Khalifa Jassim Al kuwari ayaa sheegay in mashaariicda ay Soomaaliya ka fulinayaan ay ka mid yihiin dib u dhiska wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar oo dhirirkeedu yahay 90 KM, wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo dhirirkeedu yahay 30 KM, dib u dhiska Machadka Daraasaadka Diblomaasiyadda Soomaaliya ee hoostaga Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, barnaamijyo waxbarasho kala heer duwan, shaqa abuurid, tababarro farsamo-gacmeed, dib u dhiska qaar ka mid ah xarumaha dowladda ee ku yaalla Muqdisho iyo mashaariic kale oo horumarineed oo laga hirgelinayo gobollada kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Fulinta heshiisyadan ayaa lagu hanweyn yahay in ay ka guul keenaan qorshaha qaran ee horumarinta dalka oo ay ka qeyb tahay sare u qaadidda tayada waxbarashada, dib u dhiska kaabayaasha dhaqaallaha iyo xoojinta horumarka dhaqaalle.

PUNTLAND POST

The post Qatar oo mashaariic ka fulinaysa Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this