Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay caleema-saarka Uhuru Kenyatta

Recommended Posts

Deeq A.   

11-2.jpg?resize=600%2C400Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta madaxda caalamka kala qeybgaley xafladda caleema saarka Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ka dhacdey magaalada Nayroobi.

Munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbadku aaddan hiigsiga, horumarka Kenya iyo xirriika uu dalkaasi laleeyahay waddamada kale ee qaaradda Afrika waxaa ka jeediyay Madaxweye Kenyatta, iyadoo ciidammada Baambeyda ee Kenya ay halkaasi ku soo bandhigayeen salaan sharaf lagu maamusayo caleema saarka.

Xafladda caleema saarka Madaxweyne Kenyatta ayaa ka dhacdey Garoonka Ciyaaraha ee Kazarani waxaana Madaxdii lagu marti qaaday ka mid ahaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Hailemariam Desalegn iyo hoggaamiyaal kale oo Afrika iyo caalamkaba ka socday.

Dalka Kenya ayaa waxaa dhawaan ka dhacday doorasho ku celis ahayd oo uu ku guuleystay Kenyatta, iyadoo mucaaradka dalkaasna ay qaadaceen.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb-galay caleema-saarka Uhuru Kenyatta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this