Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogo dheeraad ah oo laga helaayo duqeyntii lagu qaaday Daacishta Somalia & Tirada dhimashada oo korortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa mar kale ka hadashay duqeyn xoogan oo ay la beegsatay Saldhiga ay maleeshiyaadka Daacishta Somalia ku leeyihiin gobolka Bari.

Dowlada Mareykanka oo faahfaahin dheeraad ah ka bixineysa duqeynta ayaa sheegtay inay ka dhacday Tuullo 70-KM ujirta Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Tuulada ay ka dhacday duqeynta ayaa lagu magacaabaa Boholo oo 70-KM ujirta Magaalada Boosaaso, waxaana la xaqiijiyay in duqeyntaasi lagu dilay Horjooge sare oo ka tirsan Daacishta Somalia.

Horjoogaha lagu dilay duqeynta ayaa waxaa lala dilay ilaa 15 ka mid ah ilaaladiisa oo xiliga duqeynta ay wada joogeen.

Sidoo kale, duqeynta ayaa waxaa lagu gubay 10 ilaa 8 Gaari kuwa dagaalka ah oo ay lahaayen Daacishta Somalia.

Waxaa sidoo kale, lagu burburiyay saldhigyo ay maleeshiyada ku lahaayen Buuraaleyda Galgala gaar ahaan Tuulada Boholo oo 70-KM ujirta Magaalada Boosaaso.

Docda kale, Hogaanka Daacishta Somalia ayaan weli ka hadal warbixinta kasoo baxday Wasaarada Difaaca Mareykanka ee muujineysa in duqeyn lagu dilay Horjooge iyo 15 kamid ahaa ilaaladiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this