Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Shaqaalaha Maxkamadaha Dalka oo Hal Beel u badan iyo Baarlamaanka oo loogu baaqay inay …

Recommended Posts

Deeq A.   

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed waxaad u badan tihiin Dad aqoonyahano ah oo ka nadiif ah Qabiil islamarkaana ay ka go’an tahay in soomaaliya ay hesho Dowlada Cadaalad ah  gaar ahaan dhinaca Garsoorka sidaa Darteed waxaan nahay Dad Dhibanayaal ah oo Xaquuqdoodii ka waayey Garsoorka iyo Maxkamadaha, qaarkoodna inta Niyad jabeen ayey Dalka ka dhoofeen kuwa kale markii  Dhaqaalihii iyo Kabiihii  ka dhamaadeen ayey iska quusteen

Mudanayaal Garsoorkii dalka waxaa uu noqodey mid qabiil gaar  uu Maamulo oo  oo waxaa uu doono  ka sameeyo sidoo kalena Dhamaan Garsoorayaasha iyo  Shaqaalaha ka shaqeeye Adeega garsoorka sida Maxkamadaha iyo Xeer Ilaalinta waxay noqdeen kuwa ay yeeshaan  dad isku hayb ah wuxuuna garsoorkii uu noqdey mid ay sii aad ah ugu Dulman yihiin Dad fara badan oo Soomaaliyeed ka dib markii ay  Halkaas u raadsadeen in ay helaan Xukun cadaalad ah .

Xildhibaanada sharafta leh waxaa la Qorsheynayaa in Dhawaan la magacaabo Golihii adeega Garsoorka oo aad ansaxin doontaan sidaa Darteed  waxaan Baarlamaanka waa Golaha Shacabka iyo midka  aqalka sare uga digeynaa in Liiska Golaha Adeega garsoorka  lagu soo daro Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo xeer ilaaliyaha Qaranka iyo Xubnaha lagu tuhmayo in ay sameeyeen Laaluush iyo Xadgudub dhinaca Garsoorka ah

Mudanayaal Waa la yaab leh in Wasiirka Cadaalada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya in uu Wado Qorshe uu ku doonayo in Labadaas Xubnood ku soo daro Liiska Golaha Adeega Garsoorka  isagoo og  Dhibaatada maanta ka taagan Garsoorka u geysteen  islamrakaana ah kuwa Cuuryaamiyey in Cadaalada ay hore u dhaqaaqdo si Bulshada Soomaaliyeed u helaan Xukun ku dhisan Cadaalad iyo Sinaan, sidoo kale waxaa ka sii yaab badan in Labadaas Xubnood  inta dacwado Furaan ka dibna si iskood ah u joojiyaan .

Mudanayaal hadii ay dhacdo in Labadaas Xubnood lagu soo daro Golaha Adeega Garsoorka in Garsoorkii dalka  uu uu Hoos ka sii marayo halka maanta uu taagan yahay waxayna Bulshada Soomaaliyeed ay la kulmi doonaan Niyad jaba iyo waxaana adkaan doonto in  Soomaaliya ka hanaqaado Dowlad daahfuran  oo Kalsooni ka hesho Shacabka soomaaliyeed.

Waxaan idiin Sheegeynaa in Dowlada Soomaaliya ay ka lug jiideyso wax ka qabashada Garsoorka dalka , waxaana Moodaa in ay raacdey  Wadooyinkii ay raaceen  Dowladihii ka horeyeey kuwaa oo ku fashilmey in ay Xooga saaraan sidoo Soomaaliya uga dhaqanj geli lahayd  Garsoor ay bulshada Aamini karo kuna Kalsoonaan karto.

Xildhibaanada Sharafta leh waxaan idiin ka Codsaneynaa hadii aan nahay Dhibayaal Xaquuqdoodii ka waayey Garsoorka dalka in aad ummada Soomaaliyeed u soo Xushaan dad Aqoon u leh Garsoorka dalka si ay wax uga qabtaan cadaaladarada weli ka taagaan garsoorka dalka oo maanta maraya halkii ugu Xumeyd sidoo kale waxaa idiin ka codsaneynaa in aad wax ka soo ogaataan xaalada Maxaabiista Soomaaliyeed  gaar ahaan Noloshooda iyo waliba waxan idiin sheegeynaa in qaarkood iyagoo Xukuneyn ayey halkaas ku jiraan ka dib markii ay waayeen Garsoor cadaalad ah.

Ugu dambeyn Mudanayaal Shacabka soomaaliyeed Maanta wuxuu u baahan yahay in la badbaadiyo islamarkaana ay helaan Garsoor cadaalad ah oo dhowra Xaquuqda mawaadinka Soomaaliyeed hadii aan nahay bulshada Soomaaliyeed waxay idiin ka sugeynaa  in aad u soo Xushaan Gole adeeg  Garsoor oo wax ka qabta laalluushka iyo gabood Falada ka taagan Garsoorka dalka hadii aad saxi weydaan  Garsoorka Ummada Soomaaliyeed waxaan u qaadaneynaa  in anaan dooneyn in Soomaaliya hesho Dowlada la jaan qaadi karta dowladaha kala ee caalamka oo Horumar weyn ka gaarey Adeega Garsoorka iyo dhowrista Xaquuqda Mawadiniintooda.

Sidoo kale waxaan ka codsaneyaa Gudiga Baarlamaanka ee Dhinaca Garsoorka in aad qayb weyn ka qaadataan sidii wax looga badeli lahaa Garsoorka dalka  oo aad wax badan ka ogtihiin waxaa maanta ka taagan sidii Darteed haddii aad hagaajisaan Cadaalada wadanka in ay taariikhda idin Xusi doonto hadii  aad indhaha ka qarsataan waxay  Bulshada  idiin arki doonaan  kuwa meesha u jooga Magac u yaal oo ku fashilmey wixii lagu soo doortey oo ah Badbaadinta ummad Soomaaliyeed.

Halkaan ka Akhriso Liiska Shaqaalaha Maxkamadaha  Dalka  oo Hal Beel u Badan

Page1-3.jpg?resize=696%2C983

Halkaan ka Dhageyso Wiil Soomaaliyeed oo fashiliyey arrimo ku saabsan Garsoorka 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this