Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaali lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad kutaala magaalada Gotoberg ee dalka Sweden ayaa 10 sano oo xabsi ah ku xukuntay nin Soomaali ah oo lagu helay danbi ah isku day dil oo uu u geystay sagaal qof oo ku sugnaa goob suuq ah.

Labo qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa goobta uu ninka soomaaliga ah weeraray ayaa waxaa soo gaaray dhaawac, kuwaas oo markhaati furayaal ka ahaa dhageysiga dacwada kiiska ninkan soomaaliga ah.

Xeer ilaalinta maxkamada ayaa ninkan ku heshay danbiga lagu soo oogay ee ahaa inuu sameeyay isku day dil oo bareer ah, iyo inuu dhaawac u geystay dad aan waxbo galabsan.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedeymaha lagu soo oogay ee ah inuu rabay inuu dil geysto, balse waxaa maxkamada ka markhaati furay dhowr kamid ah dadkii goobjooga ka aha dhacdadaas.

Falal danbiyeedyada ay geystaan dhalinyarada soomaalida ah ayaa aad ugu soo badanayo magaalooyinka waaweyn ee dalka Sweden.

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this