Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada sare ee Somaliland oo go’aan ka soo saartay Doorashadii dhacday

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada sare ee Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u ansixisay natiijadii ku meel gaarka ahayd ee dhawaan soo gudbiyeen Guddiga doorashooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliand Dr Aadan Xaaji Cali oo qaraaskaas u akhriyay Warbaahinta  ayaa sheegay in natiijadii ay soo gudbiyeen Guddiga doorashada aysan wax dacwada ah ka iman, sidaas darteena ay ansax ku tahay.

Guddiga doorashada Somaliland ayaa horey ugu dhawaaqay in doorashadii 13-November dhacday uu ku guuleystay xisbiga Kulmiye oo uu madaxweyne ugu sharaxnaa Muuse Biixi Cabdi.

PUNTLAND POST

The post Maxkamada sare ee Somaliland oo go’aan ka soo saartay Doorashadii dhacday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this