Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo duqayn la beegsaday Daacishta ku sugan gobolka Bari

Recommended Posts

Deeq A.   

Milatariga Maraykanka ayaa qaaday duqayn oo ka dhan kooxda Daacisg ee ku sugan bururalayda gobolka Bari ee Puntland.

Duqayntaan ayaa lagu dilay mid kamid ah argigixisada.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Maraykanka ee Afrika ayaa sheegaya duqayntaan inay dhacday shalay galab oo ahayd isniin, iyadoo la kaashanaysay dowladda federalka.

Dowladda Maraykanka ayaa horaantii bishaan bilowday bartilmaameedka lagu hayo koritaanka kooxda Daacish ee Soomaaliya ku sugan.

Maamulka donald Trump ayaa sanadkaan meel mariyay in la kordhiyay dedaalada milatari ee ka dhan ah xagjirada ku sugan geeska Afrika.

Tiro badan oo kamid ah dagaalamayaasha Daacisg, oo tiradooda lagu qiyaasay 200 ayaa kasoo goostay Alshabab kuna biiray Daacish.

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this