Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawiro: Hawlgal gaar ah oo xalay laga sameeyay Muqdisho oo lagu soo qabtay rag ka tirsan Shabaab iyo waxyaabaha qarxa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Ciidamada Booliska Somaliya ayaa xalay waxa ay sameeyeen hawlgal ammaanka lagu xaqiijinaayay, sidoo kalena lagu bartilmaameedsanaayay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Hawlgalka ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Kaaraan, gaar ahaan xaafado ciidamada ay ka hayeen macluumaad, waxayna ciidanka galeen guryo ay tiigsanayeen.

Ciidamada ayaa intii uu hawlgalka socday waxa ay soo qabteen afar ruux oo ay tuhmayaan, sidoo kale waxaa la sheegay in ciidanka ay soo qabteen qaraxyo lagu haayay guri.,

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen in ay qabteen qaraxyo lagu haayay Xaafado ka tirsan degmada Kaaraan iyo dad intaba.

Saqdii dhexe ee xalay ayaa la soo gaba gabeeyay hawlgalka, iyadoo ciidamada Booliska ay horay u soo kaxeeyeen afartii ruux ee ay gacanta ku soo dhigeen.

Intii uu socday hawlgalkan qorsheysan oo ay fulinayeen ciidamada Booliska Laantooda Dambi Baarista ee CID-da oo xogta lagu duulaayay huwaneyd ayaa waxaa laga soo qab qabtay xaafadihii hawlgalka uu ka dhacay rag la tuhunsanaa iyo agab kale oo amniga lidi ku ah.

Xarunta Dambi Baarista ciidanka Booliska Somaliyed ee CID ayaa la geeyay dadkii ciidanka ay soo qabteen, halkaasi oo Baaritaan dheeri ah lagu marsiinaayo.

8.png?resize=696%2C3927.png?resize=696%2C3926.png?resize=696%2C3925.png?resize=696%2C3924-1.png?resize=696%2C3923.png?resize=696%2C3922.png?resize=696%2C3921.png?resize=696%2C392

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimda@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this