Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney 65-sano Jir Aheyd oo Xalay lagu dilay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo hubeysan ayaa Xalay fiidkii waxa ay deegaanka Garas-baaley ee duleedka magaaladda Muqdisho ay ku dileen Haweeney horay uga tirsaneyd Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Haweeneydaan oo lagu Magacaabi jiray Siteey Maxamed Aadan, oo 65 Sano jir  aheyd ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in Gurigeeda loogu tagay.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay in dilka uu dhacay xiligii salaadda Maqrib islamarkaana ragga hubeysan ay guriga ugu galeen haweeneyda halkaas-na ay ku toogteen.

Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamadda Amaanka Dowladda Soomaliya,inkastoo aysan jirin cid wali loosoo qabtay.

Dilalka noocaan oo kale ah ayaa horay uga dhacay Magaaladda Muqdisho,waxaana Haweeneydaan la sheegay in ay ka mid aheyd Haweenkii horay looga ruqseeyay xiligii dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud uu hoggaaminayay.

PUNTLAND POST

The post Haweeney 65-sano Jir Aheyd oo Xalay lagu dilay duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this