Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo xog dheeri ah ka bixisay burburinta Xerooyinkii ugu badnaa abid oo ay leeyihiin Alshabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay burburisay Xerooyin ay maleeshiyaadka al-Shabaab ku leeyihiin Kaymaha Gobalka Laamu.

Joseph Kanyiri, oo ah madaxa hawlgalka Kenya ee Kaymaha Boni, ayaa sheegay in Xerooyinka la burburiyay ay kamid ahaayen goobo ay ku shiri jireen al-Shabaab.

Joseph Kanyiri, oo u waramaayay wargeyska The Nation ayaa sheegay in Xerooyinka la burburiyay ay gaarayaan ilaa Lix Xero oo dhismahooda halis ku ahaa Kenya.

Joseph Kanyiri, waxa uu intaa ku daray in inta badan Xerooyinkaas loo adeegsan jirey howlgalada ay ka geysan jireen qeybo ka mid ah Gobalka Laamu.

Madaxa Hawlgalka Kenya ugu qaabilsan Kaymaha Boni, Joseph Kanyiri, waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Saraakiisha amaanka Kenya ee goobahaasi gaaray ay gacanta kusoo dhigeen Hub ay ka mid yihiin Qoryaha AK 47, Qalabka lagu farsameeyo Bambooyinka, Cunto iyo Daawooyin, waa sida uu hadalka u dhigay Joseph Kanyiri.

Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in dowlada Kenya ay kasoo jeesan doonto al-Shabaabka weli ku sugan Kaymaha Boni, oo firxadkooda gudaha u galay Gobolada qaar.

Docda kale, Saraakiisha amniga ayuu ugu baaqay in maalmaha soo socda ay waxbadan ka bedelaan hanaanka ay ku sugaan amniga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this