Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Qeyb-galaya Caleemo-saarka Kenyatta

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa haatan ku sugan dalka Kenya si uu uga qeyb-galo caleemo-saarka Uhuru Kenyatta oo mar kale ku guuleystay Doorashadii ku celiska aheyd ee dhawaan ka dhacday dalka kenya.

Inta uu ku suganyahay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo magaalada Nairobi  ayaa waxaa uu la kulmi doonaa qaar ka mida madaxda ka soo qeyb-galeysa caleema saarka.

Uhuru Kenyatta ayaa waxaa uu ku guuleystay doorashada ku celiska aheyd 26 bishii October,waxayna ka dhaceysaa xafladda caleema Saarka garoonka kubadda cagta ee Kasaarani .

Caleema saarka Kenyatta ayaa waxaa ka soo qeyb galaya 11 hogaamiyaal waxaana ka mid ah ra’iisulwasaaraha Itoobiya Hailamaryam Desalin, ra’iisulwasaaraha Isra’ill Binyamin Natanyahu, madaxweynaha Ugandha Mosevani, Madaxweynaha Zambia Edjar lungu iyo madax kale oo Afrika iyo caalamka ka socota.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this