Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo hal sano ku jebinaya record-kii Obama ee Somalia ee 8-da sano

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington DC (Caasimada Online) – Weerarkii ugu dambeeyey ee duqeyn ah oo Mareykanka uu ka fuliyey Soomaaliya ayaa lagu dilay xubin ka tirsan kooxda Daacish-ta Soomaaliya, galabnimadii Isniinta.

Waxa uu ahaa weerarkii 29-aad ee Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya, tan iyo markii uu xukunka qabtay madaxweyne Donald Trump, sida ku cad xog laga helay xafiiska saxaafadda daba-galka Mareykanka ee Bureau of Investigative Journalism, iyo kii 3-aad ee sanadkan 2017.

Weerarkii ugu horeeeyey ee sanadkan Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya ayaa waxaa la qaaday ayada oo Obama uu xukunka hayo.

Weerarkii Isniintii ayaa yimid toddobaad kadib markii weerar lala beegsaday kooxda Al-Shabaab looga dilay 100 dagaalyahan, markii lala helay xero tababar oo ku taalla meel 125 mile kaga beegan Muqdisho.

Ayada oo Trumop uu muddo 10 bilood ah Somalia ka fuliyey 29 weerar, waxa uu hadda shan weerar kaliya u jiraa record-kii weerar ee 34-ka ee Obama uu Soomaaliya ka fuliyey muddadii 8-da sano ahayd ee uu xilka hayey.

“Weerarada ayaa hadda noqday kuwa joogto ah” waxaa sidaas yiri Jack Serle oo ka tirsan xafiiska Bureau of Investigative Journalism kuna taqasusay weerarada drone-ka.

“Waxaan waa wax aan horey loo arag”

Mid ka ka mid ah sababaha kordhiyey weerarada ayaa ah ayada oo Trump uu ciidamada siiyey amar hal mar kaliya ah oo ah inay wixii ay doonaan sameeyaan, ayaga oo aan ansixin ka sugin mar walba oo ay weerar qaadayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this