Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo shir Gudoomiyay kulankii u horeeyay ee golaha Amniga Jubbaland (SAWIRRO)

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo, November, 26, 2017.Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulankii ugu horeeyay ee golaha amniga heer Dowlad Goboleed kaas oo ka farcamay golaha Amniga Qaranka.

Labada Madaxweyne ku xigeen Sarakiisha Ciidamada iyo qaar kamid ah xubnaha golaha Wasiirada ee gudigan ku jira ayaa kulanka ka qayb galay.

Xaaladaha Amniga deeganada Jubbaland iyo abaabulka Ciidamada ayaa kamid ah qodobada kulanka lagaga hadlay.

Xubnaha golaha uu ka kooban yahay ayuu Madaxweynahu ka dhagaystay xog uruurin iyo tixraac ay maalmahan wadeen oo la xiriira tayada iyo tirada Ciidamada iyadoo la qorshaynayo in mudo kooban hawshaa lagu soo dhameeyo.

Dhaqaalaha deeganada Jubbaland ayaa la isku raacay in la mideeyo isla markaana miisaniyad kordhin la sameeyo mudada loo diyaar garoobayo hawlgalada la qorsheeyay si joogto uu u noqdo mushaarka Ciidanka iyo saadka ay u baahan yihiin.

Arimaha maamulka iyo adeega Bulshada ayuu golahu isku raacay in la dardar galiyo gaar ahaan Garsoorka iyo Cadaalada iyadoo wakhti dhaw la dhisi doono gudiga adeega Garsoorka.

Shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayay Jubbaland la tagi doonta qorshe dhamaystiran oo la xiriira sida ay noqonayaan hawlgalada lagu xoraynayo deeganada ay Al-Shabaab wali kaga sugan yihiin Jubbaland.

JLP2636.jpg JLP283883.jpg JLP383883.jpg JLP838383.jpg JLP2383838-1.jpg JLP3737743.jpg JLP8373773.jpg JLP28832838.jpg JLP38383838.jpg JLP383484848.jpg JLP2383838383.jpg JLP383838384949.jpg

Puntlandi.com

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this