Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) kooxda kubada cagta ee Melbourne Somali team oo lagusoo dhoweeyay magaalada Bosaso.

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta oo ay tariikhdu tahay 26/11/2017 waxaa soo dhawayn diiran loogu sameeyay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari, kooxda kubada cagta ee Melbourne Somali team.

Kooxdaan ayaa galabta isniinta ee berrito ah waxay kulan ciyaareed saaxiibtinimo ah la qaadandoonaan kooxda Fc, Bari ee ku guulaysatay horyaalkii kubada cagta ee Puntland.

Waxaa kale oo kooxdaan tagidoontaa magaalada Garowe, iyagoo halkaasi la filayo inay kaga qeyb galaan tartan afar kooxood ah, oo sanadkii hore sidaan oo kale la qabtay.

Kooxdaan ayaa saddex habeen kahor magaalada Muqdisho kulasoo ciyaartay xulka kubada cagta gobolka Banaadir, iyagoo ka guulaystay, waxayna kadib maanta usoo baqooleen dhinaca Puntland.

DAAWO SAWIRRADA.

23905513_2035116456725732_89587459134203 24059024_2035116526725725_59715860929850 23844657_2035116576725720_22786180703018 23795776_2035116710059040_66296928431522 23844401_2035116220059089_22204377763098 23844412_2035116303392414_83369191042981 23844821_2035116396725738_77074412963974

Puntlandi.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this