Sign in to follow this  
Deeq A.

(SAWIRRO) Ciidanka PSF-ta Puntland oo howlgal ka sameeyay buuraha Calmadow kuna soo qabtay rag looga shakisan yahay inay yihiin Shabaab.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Amniga Puntland PSF ee sida gaarka ah ah u tababaran ayaa hawlgal ka dhan ah cadowga Al Shabaab ka fuliyey Buuraleyda deegaanada Dhadhaabo iyo Ceelldibir ee Buuraha Cal Madow.

Howlgalkaan ayaa waxay ciidanku ku soo qabteen 4 nin oo lagu tuhmayo in ay katirsanyihiin kooxda Al Shabaab ee ku dhuumaalaysta Buuraha Cal Madow.

Ciidanka ayaa raggaan la qabtay si gaar ah uga shakiyay inay Alshabaab u qaabilsan yihiin ugudbinta sahayda iyo raashinka, kuwaas oo ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada Puntland.

Saraakiisha ciidanku waxay sheegeen in baaritaan ku wadaan raggaan, sharcigana la horgayndoono haddii dambi lagu helo.

 

23844855_296271900867222_197257039678307 23915824_296271844200561_202504576530154 23915925_296271867533892_936874464099712

Puntlandi.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this