Deeq A. Posted November 27, 2017 Shir gogol xaar u ah wada hadalka Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacaya dalka Jabuuti. Shirkaan oo uu wado urur goboleedka IGAD ayaa lagu heshiisiinayaa maamulladan oo ku muransan siyaasadda gobolka Galgaduud. Ahlu-sunna ayaa horay u sheegtay in aysan ka qeyb gelin dhismaha maamulka Galmudug oo hadda xarun KMG ah u ah magaalada Cadaado. Mas’uuliyiinta Labada dhinac ayaa gaaray dalka Jabuuti, kuwaasi oo shalay dalka ka ambabaxay. Waxaa jiray wadahadallo aan dhameystirneen oo horey u dhexmaray Galmudug iyo Ahlu-sunna. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source 1 Share this post Link to post Share on other sites