Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Nuxurka Wadahadalka Galmudug Iyo Ahlu-sunna

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca ayaa maanta oo Isniin ah waxa uu shir uga furmayaa magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Wasiirkii hore ee dib u heshiisiinta Galmudug Cismaan Maxamed Cali oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyey nuxurka shirkaan iyo qabanqaabadiisa xilliga ay soo bilaabatay.

Wuxuu sheegay in IGAD muddo badan ay ku howlaneed in Labada dhinac wadahadalsiiso, balse mashquul dhanka Galmudug ah loo xayirnaa.

Cismaan ayaa sheegay in shirkaan uu noqon doono kaliya gogol xaar iyo sidoo kale in la wadahadlo oo Labada dhinac aqbalaan iney midoobaan, kadibna ka shiraan sida loo midoobi lahaa.

Dhanka kale, wasiir socdaal ayaa sheegay in ayaan xumo ay tahay in dad Soomaaliyeed oo waliba gobol  ku wada nool iney dal kale shir u aadaan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2017/11/WAREYSI-WASIIR-HORE-GALMUDUG-CISMAAN-DHEERE-27-11-2017-SAX.mp3

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this