Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Wasiir Hore Oo Dhaliilay Maamulka C/weli Gaas (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee warfaafinta maamulka Puntland Maxamuud Xasan Jaamac Soocadde ayaa xukuumadda madaxweyne Gaas ku eedeeyay inay dayacday gobollada Sool iyo Sanaag.

Soocadde ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog wuxuu kaga hadlay muranka dhuleed iyo midka siyaasadeed ee ka taagan gobolladaasi una dhaxaysa maamullada Puntland iyo Somaliland.

Wuxuu sheegay inuu soo dhoweynayo doorashadii Somaliland ka dhacday sidoo kalena lagu qabtay degaanno kamid ah gobollada Sool iyo Sanaag.

Siyaasi Soocadde ayaa sheegay in dhowr jeer la isku soo hadal qaaday sidii ay Puntland ay dib ugu soo ceshan lahayd gobollada ka maqan, balse aanay suurtagelin.

Maamulka Puntland ayuu ugu baaqay in uu mideeyo bulshada gobolladaasi si siyaasadda looga heshiiyo islamarkaana Somaliland sheegashadeeda Sool iyo Sanaag ay meesha kaga baxdo.

Halkaan hoose ka dhageyso:

http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2017/11/WASIIR-HORE-SOOCADDE-26-11-2017.mp3

Goobjoog News

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this