Sign in to follow this  
Deeq A.

R/Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeeybgalay Shir looga hadlayay la dagaalanka Argagixisada.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeybgalaya in ka badan afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Boqortooyada Sucuudiga ee marti gelisay shirka, wuxuuna ka waramay sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay ciribtirka kooxaha xagjirka ah.

Mudane Khadar ayaa ka warbixiyay dhibaatada kooxda Alshabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

23845618 1752389661447330 8029483269540950982 oWhatsApp Image 2017-11-26 at 7.07.39 PM-3WhatsApp Image 2017-11-26 at 7.07.39 PM-2WhatsApp Image 2017-11-26 at 7.19.46 PMWhatsApp Image 2017-11-26 at 8.17.05 PMWhatsApp Image 2017-11-26 at 8.17.04 PM

PUNTLAND POST

The post R/Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya oo ka qeeybgalay Shir looga hadlayay la dagaalanka Argagixisada. appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this