Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog cusub: Siduu miirka Al-Shabab ku go’aamiyey qaraxii Zoobe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Wargeyska The Standardmedia ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa qoraya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxda Xarakada Al-shabaab kaddib weerarkii 14kii Ocober ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wargeyska oo soo xiganaya Saraakiil dhinaca sirdoonka ah ayaa sheegaya in madaxda dhexe ee Al-shabaab, guddoomiyayaasha Gobollada iyo Taliyayaasha Ciidamada qaar ee al-shabaab aysan la dhacsaneyn hoggaamiyaha Al-shabaab ee hadda.

Khilaafkan ayuu wargeysku sheegayaa in uu soo baxay kaddib weerarkii 14kii October waxaana Abuu Cubeyda lagu eedeynayaa in uusan la tashan Golaha shuurada ee Al-shabaab markii la go’aaminayay Qaraxii Zoobbe ka dhacay.

Golaha shuurada ee Al-shabaab ayaa ansixiya bartilmaameedyada la weerarayo,waxaana weerarkii Zoobbe la sheegayaa in uusan kala tashan Golaha hayeeshee go’aankaas uu kaligiis qaatay.

Sidoo kale The Standard waxaa ay sheegeysaa in khilaaf uu ka midyahay dilka lagu fuliyo Dadka lagu eedeeyo in ay basaasiin u yihiin dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Hoggaamiyaha Xarakada Al-shabab Axmed Diiriye ayuu Wargeysku sheegayaa in uu hadda bartilmaameedsanayo hoggaamiyayaasha kale ee Al-shabab sida Mahad Karataay oo ah Madaxa Sirdoonka Al-shabaab,waxaana uu uga wal walsanyahay in ay saameyn taban ku yeeshaan hoggaankiisa Xarakada.

Kenya ayaa sidoo kale dhawaan sheegtay in Saraakiisha Kenyaanka ah ee ku jira Al-shabaab ay baxsan ka yihiin kaddib markii la isku qabtay weerarrada Al-shabaab ay ka geystaan Mandheera iyo Gaarisa oo ay ku dhintaan dad Muslimiin ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this