Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Kheyre oo aasaasay xisbul-xaakim laga dhex abuuray BF Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar hoose oo sheegaya in Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre uu hirgaliyay Xisbul-Xaakim is garabtaaga Xukuumada Somalia.

Xisbul-Xaakimkan ayaa waxaa dhidibada loogu aasay Villa Somalia, sida aan kasoo xiganay mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia, iyadoo qorshaha aasaaska lagu sheegay in looga gaashaanto Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ka imaado Golaha Shacabka.

Xisbul-Xaakimkaan aan weli lagu dhawaaqin ayaa waxaa ku jira Wasiiro, Wasiiru dowlayaal iyo Xildhibaano miisaan ku dhex leh Dowlada Somalia.

Xisbul-Xaakimkan ayaa waxaa si rasmi ah u hogaamin doona Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, waxaana la xaqiijiyay in looga gaashaman doono Mooshinka caadada u noqday Xildhibaanada garabka Mucaaradka.

Xubnaha Xisbul-Xaakimka ayaa ah Xildhibaano sidoo kale ka tirsan Golaha Wasiirada waxa uuna heerkoodu yahay kuwo u kala qeybsama 3 qeybood oo kala ah:

1-Taageero Buuxa (TB)

2-Taageero (T)

3-Taageero meel Dhexe ah (TMDH)

HOOS KA AKHRISO LIISKA XILDHIBAANADA IYO HEERKA AY U KALA BAXAAN:

111-2.jpg?resize=696%2C1060222-1.jpg?resize=696%2C889

33-4.jpg?resize=696%2C338

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this