Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in Qatar ay qoraneyso Soomaali iyo Kenyan weerara Sacuudiga?

Recommended Posts

Deeq A.   

Riyadh (Caasimada Online) – Wargeyska CUKAAZ  ee ka soo baxa dalka Sacuudiga waxa uu shalay qoray inay heleen xog ku aadan Qorshe ay Dowladda Qatar ku qoranayso rag Somali iyo Kenyan weeraro ka fuliya gudaha dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waa sida uu Wargeysku qoray.

Wargeyska oo ku xiran dowladda Sacuuidga waxa uu tilmaamay inay hay Dowladda Qatar go’aansatay qorshahaasi, 24-saacadood kadib, markii ay Dowladdaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar ku dareen Dowladda Qatar  Liiska dalalka iyo Shaqasiyaadka taageera Kooxaha loogu yeero Argagixisadda.

Wargeyska CUKAAZ waxa kale oo uu qoray inay heleen Mcluumaadka Qorshaha Qatar ku qoranayso Calooshood-u-shaqaystaal Somali iyo Kenyan, si ay weeraro uga geystaan Magaallooyinka Riyadh iyo Abu Dhabi.

Wargeyska ayaa sidoo kale horey ugu qoray in Sheekh Maxamed Saciid Atam oo Qatar ay magan galyo siisay lagu daray liiska argagixisada.

Wargeyska CUKAAZ waxa uu qoray in Maxamed Saciid Atom oo horey uga tirsanaa Alshabaab, haatanse ku sugan Caasimadda dalka Qatar ee Dooxa uu qortay  dhallinyaro Somali iyo Kenyan si ay weeraro uga geystaan dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka, waa sida uu Wargeysku qoray.

Marka la eego warkan ayaa u muuqanaya mid ka mid ah olalaha ka dhan ah Qatar ee ay wadaan warbaahinta Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo aany jirin meel kale oo loo dhaafo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this