Deeq A. Posted November 26, 2017 Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca ayaa lagu wadaa in Isniinta berri ah (27-11-2017) wadahadal uga furmo magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti. Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, iyadoo sidoo kale mas’uuliyiinta Ahlu-sunna ay iyaguna u ambabaxayaan dalkaasi. Ulajeedka shirkaan ayaa ah in ay isku soo dhowaadaan Ahlu-sunna iyo Galmudug, waxaana isku keenistooda kaalin ka qaadanaya ururka IGAD. Madaxweyne Xaaf ayaa horey u sheegay in dedaal walbo u mari doono sidii ay ula heshiin lahaayeen maamulka AHlu-sunna oo maamula qeybo kamid ah Galgaduud. Goobjoog News Source Share this post Link to post Share on other sites