Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadka Ku Dhaqan Deegaanka Godobjiraan Ee Nugaal Oo Weli Ka Kabsan Saameyntii Abaarta

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha cusub ee degaanka Godobjiraan ee gobolka Nugaal ayaa ka dayriyey xaalada Abaareed ee ka jirta deegaankaasi.

Guddoomiye Axmed yare oo la hadlay Goobjoog ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto halkaasi oo abaar baahsan ah, waxa uu tilmaamay in xoolihii qaarna abaaro laayeen kuwii kalena ka hayaameen abaaraha ka jira deegaanka.

dhinaca kale waxuu sheegay inay qalaleen beerihii degmada lahayd oo Afar xili roob uusan roob ka di’in halkaasi.

Waxa uu guddoomiye Axmed Yare ugu baaqay maamulka Puntland, hay’adaha Samofalka ah iyo cid walbo oo Soomaaliyeed iney gurmad u sameeyaan dadka ku haray deegaanka Godobjiraan ee gobolka Nugaal.

Goobjoog News

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this