Sign in to follow this  
Deeq A.

Imisa ayey gaarayaan Kenyaanka ka cararay Al-shabaab ee gudaha u galay dalka Kenya (Akhriso tirada)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay heshay macluumaad muujinaaya in Kenyaankii ku jiray Alshabaab ay dib ugu soo laabten dalkooda.

Sargaal ka tirsan Hay’adaha amaanka Kenya ayaa Wargeysyada Kenya u sheegay in Kenyaanka Al-shabaab ku jiray ay dhammaantooda kasoo carareen Gobolada ay kaga sugnaayen Somalia, sababo la xiriira ugaarsi laba dhinac ah.

Waxa uu sheegay inay ugaarsi kala kulmeen maleeshiyaadka Alshabaab iyo Diyaaradaha Mareykanka ee sida joogtada ah u gaafmeera hawada Somalia.

Kooxaha Kenyaanka ah ayaa lagu eedeeyay in ay u basaasaan Mareykanka si uu u deeqo goobaha ay ku sugan yihiin Al-shabaab ee gudaha Soomaaliya.

Sarkaal la hadlay The Star, Kenya ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay ciidamo badan geysay xadka ay la wadaagto Soomaaliya si loo qabto kooxaha soo galaya dalkooda.

Waxa uu sheegay in maleeshiyaad dhan Sodon ay usoo goosteen dhanka Kenya, balse ciidamada Kenya ay ku howlan yihiin howlgalo looga hortagaayo.

Waxa uu yiri ”Waxaan helnay macluumaad ah in Kenyaankii ku jiray Alshabaab ay dib ugu soo laabteen Kenya, tirada aan ilaa iyo hadda helnay waa ilaa 30 maleeshiyo oo Kenyaan ah”

Mar uu faahfaahin ka bixinaayay suuragalnimada inay qasaan amniga ayaa waxa uu sheegay inay ka hortagi doonaan dhaqdhaqaaqa ay wadaan isla markaana ay u adeegsan doonaan diyaarado dagaal.

Haddalka kasoo baxay dowlada Kenya ayaa daba socda qoraal ay soo saartay dowladda Soomaaliya arbacadii, waxaa lagu sheegay in Muqdisho ay codsatay duqeyntaasi lagu kala eryay Alshabaabka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this