Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab firxad ah oo gudaha u galay Puntland iyo warar sheegaya…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa aad loo adkeeyay amaanka deegaanada maamulka Puntland, gaar ahaan xarumaha maamulka ee ku yaalla magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Waddooyinka iyo Xarumaha maamulka ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo dheeri ka ah kuwii horay uga howlgali jiray kadib markii ay soo baxeen digniino dhanka amaanka ah.

Galitaanka xarumaha qaarkood ayaa aad loo adkeeyay waxaana lasoo sheegayaa in xarumaha qaar laga mamnuucay galitaanka qof aan la baarin, sababo la xiriira dhanka amaanka.

Adkeynta amaanka ayaa la sheegay inay timid kadib markii Saraakiisha maamulka ay heleen macluumaad muujinaaya in maleeshiyaad badan oo ka tirsan al-Shabaab ay gudaha u galeen qeybo kamid ah Buuraha Goolis.

Maleeshiyaadkan gudaha u galay Puntland ayaa la xaqiijiyay inay ka baxsadeen weerarada ay diyaaradaha Mareykanka ka geystaan Gobolada Somalia, waxaana aad looga cabsi qabaa in maleeshiyada ay geystaan falal amni darro.

Sidoo kale, maleeshiyaadka qaar ayaa la tilmaamay inay ku howlan yihiin sal ballaarsi, iyadoo deegaano ka dhigtay Xeebaha maamulka iyo dhulalka Howdka ah.

Geesta kale, talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili Dowlada Kenya qudheeda ay walaac ka muujisay firxadka al-Shabaabka ka baxsaday duqeymaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this