Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo ka deyrisay Amaankeeda & Shabaabka ka cararay Somalia oo ku qulqulaaya gudaha Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in deegaanadeeda ay kusoo fool leeyihiin cutubyo ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab.

Kenya ayaa tilmaantay in maleeshiyaadkaasi ay baxsad ka yihiin duqeymaha ay diyaaradaha Mareykanka ka geysanayaan Gobolada Somalia.

Dowladu waxa ay sheegtay in ay jirto cabsi weyn, Maadaama maleeshiyaadka ay doonaayaan in ay kasoo baxaan Somalia , islamarkaana ay gudaha u galaan Kenya.

Dowlada Kenya ayaa tilmaantay in walaaca ugu weyn uu yahay in maleeshiyaadka Alshabaab ay saldhig ka dhigtaan deegaano ka tirsan Kenya, maadaama ay ku jabeen Somalia.

Saraakiisha ammaanka waxa ay sheegeen in ciidamo badan oo isugu jira Boolis iyo Milatariga ay doobeen xadka Somalia si ay uga hortaggaan in ay soo gudbaan dagaalyahanadaasi.

Sidoo kale, Joseph Kanyiri oo ah Agaasimaha Hawlgalka Kenya ka wado Kaymaha Booni, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay bilaabeen bixitaankooda Soomaaliya todobaadkii lasoo dhaafay.

Dhinaca kale, Dowlada Mareykanka ayaa daboolka ka qaaday inay laba jibaareyso duqeymaha cirka ee lala eeganaayo Saldhigyada ay Shabaabka ku leeyihiin Gobolada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this