Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab ka baxsanaya duqeynta diyaaraha Mareykanka oo gaaray deegaanno ka tirsan Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimadda Online) – Iyadoo Mareykanku joogteeyay weerarrada dhinaca cirka ah ee lagu beegsanayo saldhigyada Al-shabaab ee gobollada Koonfurta Soomaaliya, ayaa lagu waramayaa in qeybo badan oo ka mid ah gobollada dhexe soo gaaraan xoogag ka tirsan Al-shabaab oo ka baxsanaya duqeynta diyaaradaha Mareykanka.

Deegaanno ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Galguduud maalmihii ugu danbeeyay waxaa lagu arkayay dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ku hubeysan gadiidka dagaalka oo fariisimo cusub ka sameysanaya deegaannada ay ka maamulaan bartamaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaanno badan oo ka tirsan Galmudug ay hadda isku aruursanayaan dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab oo ay hayaan Xogtaas, waxaana ay xuseen in ay ka hortagi doonaan isbaabulka ay Al-shabaab ka wadaan Degaanada Galmudug.

Maamulka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa iyaguna sheegay in ay ka warhayaan dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo soo gaaray deegaanno ku dhaw dhaw degmada, kuwaa oo ka yimid dhinaca gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Mahad Xasan Maxamed Wasiir ku xigeenka Wasaaradda amniga Galmudug ayaa bulshada degan Gobolada Dhexe ku tilmaamay in ay ka qayb qaataan Dagaalada ka dhanka ah Xarakada Al-Shabaab.

Ciidamada ay diyaariyeen ayuu sheegay in aysan ku jirin ciidamo ajaanib ah sida kuwa Amisom ee Nabad illaalinta Soomaaliya u jooga.

waxa uu intaa kusii daray in Galmudug aanan aqbaleyn marnaba in Deegaanadeeda ay ku gabbaad sadaan Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Meellaha ugu darran ee diyaaradaha Mareykanku duqeynta la beegsanayaan ayaa waxaa ka mid ah gobollada Shabeelaha Hoose, Baay iyo gobollada Jubbooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this