Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo cambaareeyey Qaraxii ka dhacay Masjid ku yaala Masar

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag u cambaareeyey qaraxii argagixisada ay ka geeysteen dalka masar, gaar ahaa masaajidul Rowdah oo ku yaalla waqooyiga magaalada Siinaay  ee dalkaasi, kaasi oo ay ku dhinteen 235 ruux, ayna ku dhaawacmeen 109 qof, kuwaasi oo dhammaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan ahaa.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in xanuunka uu la qeybsanayo dowladda masar iyo ehelada dadkii qaraxaasi ku waxyeeloobay, waxuuna dadka dhintay uu alle uga baryey in Janadiisa uu ugu Bishaareeyo, kuwa dhaawaca ahna uu deg deg ku bogsiiyo.                                     .

“Aniggoo ku hadlaya magaceyga iyo kan Shacabka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya waxaan xanuunka la qeybsanayaa  dowladda Masar iyo shacabkeeda xanuunka iyo murugada ka dhalatay dadka sida arxan darrada ah loogu xasuuqay Masjidul Rowdah ee dalka masar ku yaalla, waxaan garab taaagan nahay  masar, waxaana ku garab siineynaa siddii argagixisada qeybo kamid aduunka dhibaatada ka wado uga adkaan laheyd, qaraxa  salaadda khudbada kadib ka dhacay Masjidul Rowdah waxay muujineysaa ficilada xun ee Argaggixisada waana wax ka hor imaanayo diinta Islaamka ” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

PUNTLAND POST

The post Farmaajo oo cambaareeyey Qaraxii ka dhacay Masjid ku yaala Masar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this