Sign in to follow this  
Deeq A.

Bixitaanka Ciidamada AMISOM maxay kaga dhigan tahay Soomaaliya iyo Qaaradda Africa?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo ay Ciidamada AMISOM u diyaar garoobayaan inay isaga baxaan dalka Soomaaliya ayaa haddana taas badalkeeda waxay Al-Shabaab isku diyaarinayaan inay dib usoo dhisaan awoodooda si ay u xoojiyaan Weerarada iyo qaraxyada ay la eegtaan dowladda iyadoo Qaraxii Soobe ee dhawaan dhacay uu reebay calaamad muujineyso awoodda ay kooxdaan u leedahay fulinta Qaraxyo waaweyn.

Ciidamada Xoogga Soomaaliya ayaa weli helayo taageerada dowladaha Shisheeye inkastoo ay weli jirto dafiicnimo dhinac kasta ah, waxayna bixitaanka Ciidamada AMISOM saameyn ku yeelan doontaa Soomaaliya iyo Guud ahaan Qaaradda Africa.

Haddii aan jadwalka wax laga baddelin, , Bisha December 2020, dhammaan ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) waxaa loo qorsheeyay in ay ka baxaan dhammaan magaalooyinka, Xaafadaha iyo tuulooyinka ay ka xoreeyeen ururka Al-Shabaab. Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya ku sugnaa muddo toban sano ah si ay u taageeraan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dhibaatada kala kulmeyso Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab, kuwaas oo sii wadaan kacdoonkooda ku aaddan xukuumadda.

AMISOM waxay ka kooban tahay ciidamo ka socda dalalka Uganda, Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Burundi, waxayna ka kooban yihiin lix qeybood oo ku kala sugan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya iyagoo taageero ka helayo Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Ciidamada AMISOM oo garab ka helaya Ciidanka Qaranka Soomaaliya ayaa weli ah isha ugu muhiimsan ee ilaalinta xukuumadda iyada oo ilaalinaya jidadka waaweyn ee isku xira caasimadda Soomaaliya iyo Gobollada. Waxay ku guuleysteen inay xoreeyaan magaalooyin waaweyn sida Muqdisho, Kisimaayo, Beletweyne iyo Baydhabo.

Inkastoo aysan si buuxda u xakamaynin dalka sidii loo baahnaa iyo sidii laga filayey, howlgalka Midowga Afrika wuxuu u qalmaa inuu dhabaha u xaaro qaabkii ay dowladda Soomaaliya u heli laheyd awood dhinac kasta ah loona hormarin lahaa Kheyraadka dalka iyo sidii loo dhisi lahaa Ciidan qaran oo si buuxda ula wareego meelaha laga xoreeyey Al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM ee la qorsheeyey inay baxaan  ayaa mar hore laga dareemay qaybo kala duwan oo Soomaaliya ka mid ah. Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Francisco Madeira ayaa sheegay in kala-guurka ay tahay in ay noqdaan kuwo si tartiib tartiib ah, shuruudo ku salaysan, mas’uuliyadna loo qabanaayo oo aan wax u dhimeynin ammaanka iyo Xasiloonida dadka Soomaaliyeed.

Diyaar ahaasnahah Ciidamada Dowladda inay la wareegaan dalka

Marka laga reebo howlgalkooda Milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ciidamada AMISOM waxay tababaro iyo qalabeen u sameeyeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya (SNA) iyadoo ujeedka laga leeyahay ay tahay in lagu wareejiyo goobaha laga xureeyo Al-Shabaab

Kadib 18 Bilood oo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda wadeen weeraro xoog leh oo Al-Shabaab looga saaray magaalooyin badan sanadkii 2013 waxay weeraradaas noqdeen ugu dambeyn kuwa istaago waxayna arrintaas fursad siisay Ururka Al-Shabaab.

Midkoodna AMISOM iyo ciidanka Soomaaliya way awoodi waayeen inay Al-Shabaab ku qaadaan weeraro kale oo looga saarayo meelaha kale oo ay ku sugan yihiin taasoo Al-Shabab ku noqon laheyd qalqal iyo Cabsi isla markaasna waxay arrintaas keeni laheyd inay xasilooni ahaadaan goobaha horey looga qabsaday Al-Shabaab oo hadda ah difaacyo ciidan.

Sanadihii ugu dambeeyey Dowladaha Taageero Soomaaliya ayaa kaalin weyn ka qaatay tababarada la siinayo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, waxaana dowladaha sida weyn uga qeyb qaatay kamid ah: Midowga Yurub, Turkey, Imaaraadka Carabta, Mareykanka iyo Shirkadda amaanka ee sida gaarka ah loo leeyahay ee Bancroft Global.

Inkastoo tababarkoodu uu ahaa mid qiimo leh, haddana caqbaha ugu weyn ee jira ayaa ah inaysan tababaradaan aheyn kuwa joogto ah isla markaasna aan loo marin jidkii saxnaa, waxayna arrintaas caqabad ku noqotay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamada dowladda ayaan heysan Qalab ciidan oo ku filan, sidoo kalana ma helaan tababar abaabulan oo lagu barayo Anshaxa ciidanimo iyo in lagu abuuro wadaniyad weyn si ay awood ugu helaan inay dalka ka xoreeyaan xagjiriinta Al-Shabaab.

Ciidamada hadda u dhisan Soomaaliya ayaa ah Maleeshiyo u abaabulan ha beeleed, waxayna ka badan yihiin Kuwa loo diyaariyey hab Ciidan Qaran oo awood u lahaan lahaa inay amaanka kala wareegaan Ciidamada AMISOM.

In dib loo helo Amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya waxay ku xiran tahay in la helo ciidamo Soomaaliyeed oo isugu jiro Militari iyo Boolis awood u leh inay hantaan amaanka Dalkooda, rajadaasna waxay aheyd mid mugi weyn ku jirto, inkastoo dhawaan magaalada Muqdisho laga furay Saldhig weyn oo ay leeyihiin Ciidamada Turkiga kaasoo lagu tababari doono Ciidamo Soomaaliyeed oo u dhisan qaab Qaran, waxayna dowladda Turkiga markiiba tababar siin doontaa 1,500 oo askari, waxaaa tababarkaas bixinayo 200 o tababarayaal u dhashay dalka Turkiga ah.

Waxaa jirto rajo weyn oo laga leeyahay in Saldhiggaas laga soo saaro ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh kuwaas oo dalka ka xoreeyo Xarakada Al-Shabaab isla markaasma amaanka dalka la wareego marka Soomaaliya ay ka baxaan Ciidamada AMISOM.

Soomaaliya waxaa weli saaran cuna qabateynta hubka ee Qaramada Midoobay kusoo rogtay, taasoo dowladda Soomaaliya u diideyso inay lasoo dagto hubka cul culus, waxaana kaliya loo ogol yahay inay helaan Ciidamada dowladda hubka fudud, Cuna qabateyntaas ayaan ah Caqabadda ugu weyn ee Soomaaliya ka hor taagan inay gaarto isku filnaan, waxaana Al-Shabaab looga adkaan karaa kaliya inay Ciidamada Dowladda helaan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gawaarida gaashaaman.  

Awoodda Al-Shabaab u leeyihiin inay dib usoo laabtaan:

Inkastoo ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay xoogga saareen sidii Al-Shabaab looga xoreyn lahaa Magaalooyinka waaweyn iyo Caasimadaha Maamul Goboleedyada, haddana waxay Al-Shabaab ka faa’ideyteen fursadda ay u heleen inay si nabadgalyo ah u joogaan dhulka Miyiga ah ee Soomaaliya ku yaal kaasoo aad u weyn, waxayna arrintaas keentay inay Al-Shabaab dib isku aruursadaan, soo qorsheeyaan isla markaasna ay fuliyaan weeraro ka dhanka ah dadka Shacabka, Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Africa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan soo bandhigtay awoodda ay u leedahay in ay qaado  weerarro aad u xooggan kadib markii ay weeraro ku qaadeen Saldhigyada sida weyn loo ilaaliyo oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM taasoo sababtay Khasaaro aad u weyn oo aan si rasmi ah loo helin, sidoo kala waxay Muqdisho ka fuliyeen weeraro yaab leh oo isugu jiro Qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu fulinayo saraakiisha Amaanka ee dowladda iyo xubno muhiim ah.

Qaraxyadii dhawaanahan ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku nafwaayeen in ka badan 400 qof, waxay calaamad u tahay in kooxaha xagjirka ahi ay weli firfircoon yihiin isla markaana ay awood u leedahay kooxda Al-Shabaab inay dib usoo baxdo haddii ay Ciidamada AMISOM isaga baxaan Soomaaliya isla markaasna aan la helin Ciidamo Soomaaliyeed oo buuxin karo booskaas

Fashilka ku yimid Ciidamada AMISOM iyo  Ciidanka Qaranka Soomaaliya ee ku aadan in Al-Shabaab looga dabatago Duurka ay u carareen oo ay Sabab u tahay tabardarro xagga Ciidanka ah ama sida ay u badan tahay oo ah  inaysan lahayn rabitaan siyaasadeed ayaa Kooxdaan u suurtagelisay in ay sii wadaan helitaanka dhaqaale maaliyadeed, qorista iyo tababaridda askar cusub oo lagu tababarayo meelo aad u baaxad weyn oo kamid ah duurka iyo meelaha aan la daganeyn, waxayna heleen fursad weyn oo dhanka dhulka ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan ka faa’ideysto isbadalada Ciidamada AMISOM, Sanadkii 2017 markii Ay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya baxeyn, waxay Al-Shabaab durba la wareegtay meelo badan oo ay kamid yihiin  Burduhule, Rabdhure, Garasweyne iyo Tiyeglow oo dhaca Gobolka Bakool; Eli Ali, Halgan, iyo  Moqokori oo dhaca Gobolka Hiiraan; Bud iyo Gal’ad  oo iyagana dhaco Gobolka Galgaduud; iyo  Adan Yabal oo dhacda Gobolka Shabeelada Dhexe.

Arrintaas ayaa muujisay fadeexad ah inaysan Al-Shabaab sidaas uga fogeyn meelaha ay joogaan Ciidmada AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab, waxaana jirto meelo badan oo hadda gacanta ugu jirto dowladda oo nugloon inay Al-Shabaab la wareegaan haddii ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM isaga soo baxaan .

Iyadoo ay Ciidamada AMISOM ku sugan yihiin Soomaaliya, Weerarada Al-Shabaab kaliya kuma koobno Soomaaliya, Kooxdu waxay ballaarisay howlgalkeeda ku wajahan waqooyiga iyo xeebta Kenya, waxayna muujisay awooddeeda ah inay weerarto bartilmaameedyada ka baxsan Soomaaliya, tusaale ahaan weerarada ay ka fulisay meelo ka baxsan Soomaaiya waxaa kamid ah qaraxyadii Kampala ee 2010-kii, weerarro ba’an oo ka dhacay Westgate Mall ee Nairobi iyo weeraradii Jaamacadda Gaarisa ee 2013 iyo 2015, waxayna Al-Shabaab qorsheysay inay ka faa’ideysato xaaladaha diineed iyo nabadgelyada gobolka.

Yaa og waxa dhici doona 25-ka bilood ee soo socda iyadoo ciidamada AMISOM ay qorsheenayaan inay si tartiib tartiib ah uga baxaan Soomaaliya oo ay ku sugnaayeen muddo 10 Sano ka badan,? Soomaaliya ma waxaa laga yaabaa inay dib u soo celiso taariikhdeedii hore ee Foodada aheyd, ama Madaxwayne Farmaajo ayaa laga yaabaa inuu awood u yeesho oo uu xoojiyo hadalkii dhawaan kasoo baxay ee ahaa in la qaqaadayo dagaalkii ugu dambeeyey ee lagu ciribtirayo Kooxdaan ka hor inta aysan Soomaaliya ka bixin Ciidamada ugu dambeeyo ee ka tirsan Midowga Africa ?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this